Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Guudlaawe oo si weyn loogu soo dhoweeyey Muqdisho + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, wuxuuna noqday hoggaamiye goboleedkii ugu dambeeyey ee kasoo dega garoonka Aadan Cadde.

Cali Guudlaawe ayaa waxaa si weyn garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ugu soo dhoweeyey mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan goleyaasha dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa ka qeyb-galaya shirka arrimaha doorashooyinka oo maanta ka furmayo caasimada, gaar ahaan Teendhada Afisyoone ee xarada Xalane.

Guudlaawe ayaa waxaa safarkiisa soo daahiyey xaaladaha adag ee ka jira magaalada Jowhar, gaar ahaan fatahaadaha iyo dadaalkii dhowaan ka dhacay magaaladaasi.

Muqdisho waxaa horey u soo gaaray madaxweynayaasha maamul goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug iyo Puntland, kuwaas oo iyana qeyb ka ah shirka wada-tashiga qaran ee uu soo qaban qaabiyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Inta uu socdo shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka.

Shirka doorashooyinka ee Muqdisho oo isha lagu wada-hayo ayaa waxaa la filayaa inay kasoo baxaan go’aanno culus oo dalka u jiheynayo doorashooyin loo dhan yahay.

189074506_4268584016535691_6680322013452 189705771_4268584009869025_8342069567106 189939341_4268584103202349_7088182429345

 

The post Cali Guudlaawe oo si weyn loogu soo dhoweeyey Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this