Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Weerar Ku Ahaa Imaamka Masaajidka Xaramka Oo La Qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Maka Al-mukarama)-Ciiddanka Ammaanka ee Masaajidka Xaramka ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Nin weerar ku ahaa Iimaamka oo akhriyey Khudbada Jimcaha ee shalay.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in eedeysanaha la qabtay, ka hor inta aanu gaadhin Minbarka ee uu Iimaamku ka jeedinayey Khudbadda Jimcaha.

Iimaamka la weerari lahaa oo lagu magacaabo Sheekh Bandar Baleelah ayaa waxa uu ka mid yahay Iimaamyada ku qoran Xaramka Shariifka ee Maka Al-mukarama.

Bishii la soo dhaafay ee April ayaa waxaa Xaramka lagu qabtay Nin hubaysnaa, kaasi oo la tuhunsan yahay inuu weerar geysan lahaa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this