Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo Raysal wasaare Rooble ugu baaqdey dardar galinta Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa jira walaacyo badan oo laga qabo in Madaxweyne Farmaajo uu isku dayayo inuu Raysal wasaaraha ku faragaliyo Shaqadiisa ku aadan Arimaha uu ku wareejiyay ee Doorashada, waxaana walaacaas inuu jiro cadeynaya Qoraal ay soo saareen Maraykanku.

Maraykanku waxay Raysal wasaare Rooble ku booroiyeen in uu guto howsha loo xilsaaray uuna ogaado inuu haysto fursad ay Beesha Caalamku Garab taagan yihiin.

Raysal wasaaraha iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada waxaa la faray in dardar galiyaan kana mida dhaliyaan Heshiisyadii 17 Sebtembar iyo kii Baydhabo.

Wasaarada Arimaha Dibada Xafiiskiisa Arimaha Afrika ayaa Qoraal kooban oo ay soo saartay xusnay in Maraykanku uu si dhow ula soconayo Shirka, Qoraalkooda waxay ku yiraahdeen sidaan hoose

  • “Beesha Caalamka ee Daneeya Arimaha Soomaaliya waxay ula muuqataa in Shirka ka furmaya Muqdisho inuu yahay fursad qaaliya oo muhiim u ah Amaanka iyo Horumarinta Soomaaliya,waana inaan la lumin fursadaas”

Puntlandi.com Muqdisho

05326D57-9FBD-40F7-89D8-0C9B1EE174EA.jpe

The post Beesha Caalamka oo Raysal wasaare Rooble ugu baaqdey dardar galinta Doorashada appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this