Sign in to follow this  
Deeq A.

Degmada Ufayn oo saaka laga daah-furay barnaamijka diiwaan-gelinta codbixiyaasha

Recommended Posts

Deeq A.   
3-16.jpg?resize=960%2C586&ssl=1

Guddiga KMG  doorashooyinka Puntland, ayaa saaka degmada Ufayn ka daah-furay barnaamijka diiwaan-gelinta codbixiyaasha saddex degmo, oo laga qaban doono doorashooyinka dowladaha hoose oo tijaabo ah.

Tani waa degmadii saddexaad oo guddigu ka daah-furo diiwaan-gelinta codbixiyaasha, waxaana ka sii horreeyay degmooyinka Eyl iyo Qardho, iyadoo saddexdan degmo dhowaan laga qaban doono doorashooyinka hordhaca ah.

Guddiga ayaa sidoo kale la kulmay odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Ufayn, kuwaas oo ay u jeediyeen wacyi-gelin ku saabsan barnaamijka diiwaan-gelinta codbixiyaasha.

Ururada siyaasadda Puntland ayaa dhankooda maalmahan wada wacyi-gelinta dadweynaha ee la xiriirta diiwaan-gelinta codbixiyaasha.

PUNTLAND POST

The post Degmada Ufayn oo saaka laga daah-furay barnaamijka diiwaan-gelinta codbixiyaasha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this