Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay shirka arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Af-hayeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimow ayaa qoraal uu soo saaray faahfaahin kaga bixiyay, shirka arrimaha doorashooyinka ee loo ballansanyahay in uu ka furmo Muqdisho.

Af-hayeen Macallimow ayaa sheegay, in dhammaan madaxda ka qayb-gelaysa shirkan ay xaadir ku yihiin Muqdisho, marka laga reebo madaxweynaha Hirhshabeelle oo isla maanta imaanaya.

Wuxu sheegay in shirkan uu saaka si rasmiya u furmi doono, islamarkaana uu shir-guddoomin doono ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale, wuxu tilmaamay in shirka uu ka dhacayo xarunta Afisyooni, oo ay ka qabsoomeen shirarkii u dambeeyay ee arrimaha doorashooyinka dalka.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay shirka arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this