Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo baaq midaysan ka soo saaray Shirka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakiilada Beesha Caalamka, ayaa ugu baaqay hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya, in ay sameeyaan tanaasul wax-ku-ool ah, si heshiis dhakhso leh looga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Saaxiibada Beesha Caalamka, ayay ku boorriyeen dhinacyada, in ay si degdeg ah u qaban-qaabiyaan doorashooyin ku salaysa heshiiskii  17-kii September 2020.

Beesha Caalamka, ayaa sidoo kale bogaadiyay shirka arrimaha doorashooyinka ee la filayo in uu maanta ka furmo Muqdisho, waxaana ay ku tilmaameen fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin.

War-saxaafadeedka waxa ku midaysan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Halkaan ka akhriso Baaqa Beesha Caalamka

PUNTLAND POST

The post Beesha Caalamka oo baaq midaysan ka soo saaray Shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this