Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenkii hore Puntland oo aas qaran loogu sameeyay Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16215969275621002.jpg?resize=720%

Magaalada Garowe waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire oo shalay ku geeriyooday Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay dib ugu soo noqday Garowe, ku xigeenkiisa Axmed Kaarasha, goleyaasha dowladda, saraakiil ciidan, culimo iyo qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada Garowe ayaa ka qeybgalay salaadii janaasada marxuumka oo lagula tukaday garoonka diyaaradaha Garowe.

FB_IMG_16215969372883498.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Puntland ayaa mar kale uga tacsiyeeyay bulshada Puntland iyo guud ahaan shacab weynaha Soomaaliya geerida Gen. Cabdisamad Cali Shire, si gaar ah wuxuu madaxweynuhu ugu tacsiyeeyay ehelka iyo qoyska marxuumka.

FB_IMG_16215969618339048.jpg?resize=720%

Marxuumka Cabdisamad Cali Shire ayaa xilal kala duwan Puntland ka soo qabtay, isagoo soo noqday madaxweyne ku xigeenkii Puntland (8 January 2009- 8 January 2014), xiligana wuxuu kamid ahaa guddiga dib u habeynta ciidamada Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenkii hore Puntland oo aas qaran loogu sameeyay Garowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this