Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ka dhacay Muqdisho iyo mas’uul ku dhintay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16215953424086550.jpg?resize=720%Marxuum, Garyare

Guddoomiyihii deegaanka Garasbaaley ee gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Axmed Cali Garyare iyo labo kamid ahaa ilaaladiisa ayaa qarax ku dhintay.

Guddoomiye Garyare iyo ilaaladiisa ayaa lala eegtay qarax Miino xilli ay ka soo baxeen masjid ay ku tukadeen salaada Jimcaha ee maanta.

Deegaankan Garasbaaley ayaa in dhawaale kamid ahayd meelaha ugu badan gobolka Banaadir ee qaraxyada iyo weerarada qorsheysan ka dhacaan.

Weli ma jirto cid ka hadashay qaraxa lagu dilay Guddoomiye Garyare iyo ilaaladiisa.

PUNTLAND POST



The post Qarax ka dhacay Muqdisho iyo mas’uul ku dhintay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this