Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada oo kulan yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1621535718960.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa caawa kulan ku yeeshay hotel Dècalè ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ibraahim Macallimow oo faahfaahin ka bixiyay kulanka ayaa sheegay in uu ahaa is-xogwareysi iyo casho Ra’iisul Wasaare Rooble u sameeyay madaxda ku sugan Muqdisho ee ka qey-bgalaysa shirka wadatashiga doorashada Soomaaliya.

Macallimow waxa uu sheegay in madaxweynayaasha Puntland iyo Hirshabeelle la filayo in ay Muqdisho soo gaaraan maalinta Jamcaha, marka la isu yimaado ka dibna uu furmi doono shirka oo Khamiistii baaqday arrimo uusan caddeyn.

Wuxuu tilmaamay inta uusan shirku furmin ka hor in Ra’iisul Wasaare Rooble kulamo gooni gooni ah la qaadan doono madaxda ka qeyb-galaysa shirka.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa rajo weyn ka muujiyay shirka Muqdisho iyo natiijada ka soo bixi doonta.

PUNTLAND POST

The post Rooble iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada oo kulan yeeshay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this