Sign in to follow this  
Deeq A.

Dib u dhac ku yimid shirkii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20210520_163207655.jpg?resi

Shirkii wadatashiga arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo lagu waday inuu maanta oo Khamiis ah ka furmo Muqdsho ayaa dib u dhacay, iyadoo qaar kamid ah madaxda dowladd goboleedyadu aysan weli soo gaarin Muqdisho.

Warar ay heshay Puntland Post ayaa sheegaya in shirku uu dib u dhacay ilaa maalinta Sabtida ee todobaadka dambe, kadib markii qaar kamid ah madaxda ka qeyb-galaysa aysan weli iman Muqdisho.

Madaxweynayaasha Galmudug, Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa shalay iyo maanta soo gaaray Muqdisho, halka madaxweynayaasha Puntland iyo Hirshabeelle ay weli ka maqan yihiin Muqdisho.

Shirka Muqdisho oo ka dhici doona Teendhada Afisyoone waxaa saldhig u ah heshiiskii 17 September 2020 ee arrimaha doorashada, waxaana horey ugu baaqay Ra’isul Wasaare Rooble, kadib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashada iyo amniga dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey u sheegay in ay ka go’an tahay wax kasta oo horseedi kara in uu guuleysto shirka doorashada.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo xubno matalaya Midowga Musharaxiinta ayaa lagu wadaa in ay qeyb ka noqdaan shirka Muqdisho ka furmaya horraanta todobaadka dambe.

Shirka Muqdisho ayaa la filayaa inuu ka soo baxo isafgarad horseeda gudogalka soo xulista xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Dib u dhac ku yimid shirkii Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this