Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxtooyada Jubaland oo war ka soo saartay safarka Axmed Madoobe ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

War rasmiya oo ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubaland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe,) uu maanta ku wajahanyahay magaalada Muqdisho.

Qoraal kooban oo la soo geliyay barta Facebook ee madaxtooyada Jubalad, ayaa lagu xaqiijiyay in Axmed Madoobe uu maanta ku sii jeedo Muqdisho, halkaas oo uu kaga qayb-galayo shirka arrimaha doorashooyinka dalka.

“Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kusii jeeda Magaalada Muqdisho, isagoo ka qeybgalaya shirka lagaga hadlayo arimaha Doorashada” ayaa lagu yiri qoraalka.

PUNTLAND POST

The post Madaxtooyada Jubaland oo war ka soo saartay safarka Axmed Madoobe ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this