Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay geerida madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16214987616952365.jpg?resize=700%Marxuum, Cabdisamad Cali Shire

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire oo saaka ku geeriyooday Muqdisho.

Madaxweyne Deni ayaa qoraal tacsi ah oo uu soo saaray ku yiri “Waxaan tiiraanyada iyo xanuunka geerida Alle ha u naxariistee Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Marxuum Cabdisamad Cali Shire la wadaagayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay”.

“Marxuumku waxa uu ahaa Janaraal Soomaaliyeed oo kamid ahaa ciidanka xoogga dalka, waxa uu mas’uuliyado badan kasoo qabtay Dowladdii dhexe ee Kacaanka, burburkii kadib waxa uu ka mid ahaa haldooradii bud-dhigga u ahaa dhismihii Puntland, sanadihii 2009 -2014 waxa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, hadda oo tii Alle utimi waxa uu ka mid ahaa Guddiga Dib u Habaynta Ciidanka qalabka sida ee Dowladda Puntland” ayaa qoraalka tacsida raaciyay.

Madaxweynaha Puntland ayaa Marxuum Janaraal Cabdisamad Cali Shire Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay geerida madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this