Sign in to follow this  
Deeq A.

EU-da Oo Ka Hadashay Gaadiid Doorashooyinka Lagaga Shaqeynayo Oo Ay Ugu Deeqeen Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Midowga Yurub ayaa ka hadlay 13 Baabuur oo ay ugu deeqeen dhawaan Hay’adaha Amniga iyo kuwa Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Warmurtiyeed la soo baxay Midowga Yurub oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee SOLNA, ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub uu Gaadiidkaas Somaliland u soo mariyey UNDP. Waxa ay caddeeyeen in lix baabuur loogu talo galay in Ciidanka Boolisku ka hawlgalaan lix  gobol,halka  baabuurta soo hadhayna la siiyey Hay’adaha Garsoorka.

Safiirku Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Nicolas Berlanga, ayaa sheegay EU-da ay ka go’an tahay inay taageeraan Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda Somaliland, isla markaana 13kaas Gaadhi ay u asteeyeen in lagaga shaqeeyo Ammaanka doorashada iyo la socodka iyo qabanqaabada Doorashooyinka.

Wasiir ku–xigeenka Arrimaha Gudaha Naasir Caydiid Maxamed, ayaa u mahadceliyey Midowga Yurub waxaanu sheegay inay Gaadiidkaas lagaga shaqeyn doono sugida Nabadgelyada Doorashada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this