Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saaka magaalada Muqdisho ku geeriyooday madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire.

Qaar ka mid ah ehellada marxuumka ayaa xaqiijiyey geerida ku timid Gen. Cabdisamad oo maalmahan ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya inuu marxuumka ku dhintay isbitaalka Recep Tayyip Erdogan, Ex Digfeer oo lagu daaweynayey muddooyinkii lasoo dhaafay, kadib xanuun lasoo darsay.

Ehellada ayaa sidoo kale sheegay in marxuumka dhowaan laga keenay magaalada Hargeysa, balse uu ugu dambeyn xanuunkii hayey saaka ugu geeriyooday Muqdisho.

Gen. Cabdisamad Cali Shire oo ka mid ah aas aasayaashii Puntland ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay maamulkaasi, wuxuuna madaxweyne ku xigeen usoo noqday Faroole.

Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo masuuliyado kala duwan kasoo qabtay dowladdii dhexe ee Kacaanka.

Geerida marxuumka waxaa ka tacsiyeeyey mas’uuliyiin kala duwan oo ay ugu horreeyaan madaxda Puntland oo Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Fardowso.

AUN marxuumka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo la aaso, waxaana haatan socota qaban qaabada aaska loo sameynayo oo ay ka qeyb-geli doonaan mas’uuliyin kala duwan.

The post Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this