Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo ka hadlay shirka doorashada iyo Qoorqoor oo soo gaaray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1621444618048.jpg?resize=720%2C43

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen shirka dhameystirka arrimaha doorashooyinka ee lagu wado in uu berri ka furmo Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku xusay in ay ka go’an tahay wax kasta oo horseedi kara in uu guuleysto shirka doorashada.

Wuxuu tilmaamay inuu rajeynayo in shirku si habsami leh u furmo berri, guulna ku dhammaado, si dalku u aado doorasho daahfuran oo heshiis lagu yahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa siyaasiyiin iyo shacabka Soomaaliyeed ka codsaday garab istaag, isagoo u mahadceliyay intii taageertay dadaalada uu wado.

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa caawa soo gaaray magaalada Muqdisho, halka madaxweynayaasha kale ee dowlad goboleedyada ay ilaa berri soo gaari doona magaalada Muqsisho.

Shirka Muqdisho ayaa la filayaa inuu ka soo baxo is afgarad horseeda gudogalka soo xulista xildhibaannada iyo Senatarrada ka hor doorashada Madaxweynaha.

PUNTLAND POST

The post Rooble oo ka hadlay shirka doorashada iyo Qoorqoor oo soo gaaray Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this