Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Musharixiinta oo u hambalyeeyay shacabka Somaliland xuska 18ka May

Recommended Posts

Deeq A.   

Midowga Musharixiinta oo u hambalyeeyay shacabka Somaliland xuska 18ka May

Inta badan Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay u halbalyeeyeen shacabka iyo hoggaanka Somaliland oo xusaya 18-ka Bisha May oo ku beegan markii ay Reer Somaliland ku dhawaaqeen soo celinta xoriyadii luntay 1960kii

Hoos Ka Akhriso Qoraalada ay si kala gooni gooni ah u soo saareen Midowga Musharixiinta.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxaan hambalyo u dirayaa walaalaha Somaliland oo xusaya 18 May meel kasta oo Caalamka ay ka joogaan, anigoo ugu tahniyadeynaya nabadda, xasilloonida Siyaasadeed iyo hirgalinta nidaamka doorashada qof iyo cod ee ay ku guulaysteen.

Waxaan aaminsanahay in qadiyadda Somaliland iyo xalkeeda ay tahay arrin masiiri ah, muhiimna u ah dib u yagleelidda dowladnimo lagu wada kalsoonyahay oo Soomaaliyeed, taasoo nooga baahan in xil gaar ah la iska saaro, iyadoo lama huraan ay tahay in lala fariisto, la dhegeysto si looga qanciyo 30 sano ka hor dhibaatadii gaartay oo garowshiyo nooga baahan.

Waxay tusaale wanaagsan u noqdeen mudadaas 30ka sanaa Soomaalida inteeda kale, iyagoo ku guulaystay sugidda Amniga, Horumarka Bulshada iyo in dadku ay doorasho galaan iyagoo xulanaya cidda hogaaminaysa.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Waxaan shacabka iyo hoggaanka Somaliland ugu hambalyeynayaa nabada, xasiloonida iyo hannaanka dimoqoraadiga ah ee ay gaareen. Koonfur hadaan nahay waxaan jecelnahay midnimo, walaalaheena waxay qabaan in ay midowgii ku qasaareen. Doodu waxay tahay tagtadii ma ka xisaabtanaa si loo helo midnimadu qiimo ku kacda, taxidayada mustaqbalka uga tilaabsano, mise waynu u dabranaanaa oo fursadahaan ka luminaa faca danbe. Dood hufan oo Isqancin, garawshiyo leh ayaa lagama maarmaan ah, sababtoo ah marinka midnimadu waa Haragaysa, kan madaxbanaanidana waa Muqdisho.

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed

Maanta 30 sano ayaa laga joogaa markii ay walaalaha Reer Somaliland ku dhawaaqeen gooni isutaag dhankooda ah. sidaa daraadeed marka hore waxaa Bogaadin mudan guulaha ay Somaliland ka gaartay mudadaas dhinacyada Nabadda, Horumarka, Hannaanka Doorashooyinka ku dhisan Qof iyo Codka, dimuqoraadiyadda iyo isu Tanaasulka.

Waxaa xaqiiq ah in Xalka Qadiyadda Somaliland ay u baahan tahay ahmiyad, Mudnaan iyo Aragti Fog oo ay ku dheehan tahay Tanaasul, Garowshiyo iyo Wadahadalo miro dhal ah oo kayimaada dhanka Dawladda Dhexe ee Soomaaliya, kana Fog Caadifad iyo Laablakac, waana in lasameeyo wadahadalo ku saleysan waaqaca iyo halka ay Boogtu taalo.

Waxaa wax laga xumaado ah in Maamulka Farmaajo aanu Arintaas siinin mudnaantii iyo maqaamkii ay lahayd, taas badalkeeda uu kula kacay cunaqabatayn dhinaca Mucaawinooyinka, Arrimaha Bulshada, mashaariicda horumarineed iyo waxyaabaha Aas-aasiga ah ee Dadka Reer Somaliland baahida u qabaan.

Midnimo ku timaada wax wadalahaansho, Walaalnimo, Garawshiyo iyo isu tanaasul ee aan ku imaan khiyaano iyo Jujuub ayaa ina wada Deeqda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this