Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Murashixiinta oo ka hadlay Shirka Arrimaha doorashooyinka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Shirka Madaxda uu saldhig u noqon doono heshiiskii 17-kii Sep, sidoo kalena looga wada hadli doono xalinta khilaadka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.

Waxaa uu sheegay in Shirka ay kasoo qeyb geli doonaan dhammaan Madaxda dowlad Goboleedyada dalka, isla markaana Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta looga baahan yahay hoggaaminta Shirkaas ka dhacaya Muqdisho.

Sidoo kale Daahir Geelle ayaa tilmaamay inay doonayaan ka qeyb galka Shirka Madaxda, isla markaana caddeeyay inay weli Ra’iisul Wasaare Rooble ku taageerayaan daadihiinta hanaanka doorashooyinka dalka.

Isaga oo sii hadlaayay Afhayeenka Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay natiijada Shirka Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada, waxaana uu sheegay in shirkaas uu saldhig u noqon doono heshiiskii 17-kii Sep ee horey u gaareen Madaxda.

PUNTLAND POST

The post Midowga Murashixiinta oo ka hadlay Shirka Arrimaha doorashooyinka Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this