Deeq A. Posted May 18, 2021 Dooxada Bixin Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa mamnuucay in loo dalxiis tego dooxada Bixin, oo ka tirsan caasimadda Garoowe, islamarkaana dhanka waqooyi kaga beegan magaalada. Saraakiisha Booliiska Nugaal, ayaa laga soo xigtay in dadweynaha laga mamnuucay dooxada Bixin, kadib markii qashin badan lagu daadiyay, taas oo waxyeello gaarsiisay bilicda iyo nadaafadda dooxadaas. Sidoo kale, Booliiska ayaa mamnuucay in lagu dabaasho dhammaan ceelasha ku yaal togaga Garoowe, kadib markii todobaadkan ilaa saddex qof ay ku dhinteen ceelka Afdhurwaayaale ee duleedka caasimada. Togaga ku xeeran magaalada Garoowe waxa u dabaal-taga dad weyne kala duwan oo u badan dhalinyarada da’ yarta ah. PUNTLAND POST The post Garoowe: Dooxada Bixin oo laga mamnuucay dalxiiska appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites