Deeq A. Posted May 18, 2021 Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde), ayaa maanta oo Taalado ah shaaciyay guddiga sare ee warbaahinta Puntland. Dikreeto uu soo saaray wasiir Tima-cadde, ayuu ku shaaciyay xubnaha guddiga sare ee warbaahinta Puntland oo ka kooban 7 xubnood. Magacyada xubnahan ayaa kala ah Maxamed Ciise Cismaan, Maxamed Nuur Shire, Fartuun Cali Liig, Daahir Cabdulqaadir Axmed, Siciid Axmed Faarax, Cabdiqani Maxamed Cali iyo Cabdirisaq Max’ed Faarax. Xubnahan ayaa laga soo kala xulay ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP, wasaaradda Warfaafinta, Ururada bulshada Rayidka PUNSAA, Wasaaradda Waxbarashada iyo Qareennada madaxa-bannaan. PUNTLAND POST The post Guddiga sare ee warbaahinta Puntland oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites