Sign in to follow this  
Deeq A.

Khamri fara badan oo lagu qabtay magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
2-29.jpg?resize=960%2C720&ssl=1

Ciidamada Booliiska Gobolka Bari, ayaa saaka kantaroolka magaalada Boosaaso ku qabtay khamri fara badan, oo la doonayay in la geliyo gudaha magaalada.

War ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari, ayaa lagu sheegay in ciidanku gacanta ku dhigeen khamrigan la doonayay, in si qarsoodiya lagu soo geliyo magaalada Boosaaso, islamarkaana ay wateen askari ka tirsan ciidamada.

Khamrigaan oo lagu soo guray Karaatiinta Saliida si aan loo moodin ,in ay ku jiraan dhalooyin khamri ah ayaa Hubin kadib waxa ay ciidamada ay ku guleesteen in ay gacanta ku dhigaan, waxaana soconaaya Baaritaano khamrigaas iyo cidii loowaday.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Ciidamada uga mahadceliyay dadaalkooda ku aadan qabashada waxkasta oo lidi ku ah amniga waxana uu sheegay in ay kula xisaabtami donaan cidwalba oo ay khuseeso in khamrigaan ay soo galiyaan magaalada Bosaaso.

PUNTLAND POST

The post Khamri fara badan oo lagu qabtay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this