Deeq A. Posted May 18, 2021 Wasaaradda Degaanka Puntland, ayaa xirmaysay dooxooyin xoola daaqsin ah oo ka tirsan Gobolka Nugaal. Wareegto ka soo baxday xafiiska ku simaha Wasiirka Degaanka Puntland, Cabdirashiid Cali Geelle, ayaa lagu faray dhammaan Xoola-dhaqatada Gobolka Nugaal, in mudda 15 cisho ah la xirmeeyay dooxooyinka Cada-dheero iyo Laba-dulley oo dhanka bari ka xiga Garoowe. Wareegtada ayaa lagu sheegay in ujeedka laga leeyahay go’aankan uu yahay in la nasiyo dooxooyinkaas oo cagta xooluhu ku badan tahay, inta uu naqu si fiican u soo baxayo, waxaana wareegtada lagu xusay in dooxooyin kalena la xirmayn doono. Hoos ka akhriso Wareegtada PUNTLAND POST The post Puntland oo xirmaysay dooxooyin ka tirsan Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites