Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Afrika oo ka hadlay dalabkii Villa Somalia ee ahaa In la bedelo John Mahama

Recommended Posts

Deeq A.   

Midowga Afrika ayaa ka hadlay Go’aankii dowladda Federaalka Soomaaliya ku dalbatay in la bedelo Ergeyga gaarka ee Midowga u soo magacaabay Soomaaliya John Mahama oo ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Ghana.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Afhayeenka Madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi ayaa sheegay in dalabka dowladda Soomaaliya ee ku codsatay in la bedelo John Mahama uu Midowga kala tashan doono dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.

Sidoo kale Felix Tshisekedi ayaa walaac ka muujiyay qaabka uu Midowga Afrika ku doonayo inuu ku xaliyo khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada ka dhaceysa dalka Soomaaliya oo Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedya aysan weli heshiis ka gaarin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay John Mahama in uusan dhex dhexaad ka noqon karin Arrimaha doorashada dalka ka dhaceysa, isla markaana ay u baahan yihiin la bedelo, iyagoona arrintaas ka codsaday Midowga Afrika.

PUNTLAND POST

The post Midowga Afrika oo ka hadlay dalabkii Villa Somalia ee ahaa In la bedelo John Mahama appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this