Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadda Diyaaradaha Imaaraadka Ee Etihad Airways Oo Hakisay Duulimaadyadii Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkadda diyaaradaha Imaaraadka ee Etihad Airways ayaa Isniinta maanta ah shaacisay in ay si kumeel gaadh ah u joojineyso duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Israel halkaasi oo garoonka ugu weyn ee u dhow Tel Aviv lala beegsaday gantaalo laga soo ganay dhanka magaalada Gaza.

Isu-tagga Imaaraatka Carabta ayaa sanadkii hore caadiyeeyay xidhiidhka dublumaasiyadeed ee Israel, waxaana heshiiskaas oo uu Mareykanku gadhwadeen ka ahaa uu Imaaraatka ka dhigay dalkii saddexaad ee Carbeed ee tallaabadaasi qaada ka dib Masar iyo Urdun.

Baxrayn, Marooko iyo Sudan ayaa iyana xidhiidh la sameystay Israel.

“Etihad Airways waxa ay si KMG ah u hakineysaa adeegga duulimaadyada ee Tel Aviv taasi oo looga jawaabayo colaadda socota,” ayay shirkadda fadhigeedu yahay magaala Abu Dhabi ku tidhi bayaan ay soo saartay.

Khamiistii ayay hay’adda maamusha garoomada Israel waxa ay sheegtay in dhamaan duulimaadyada u socda garoonka Ben Gurion ee u dhow Tel Aviv ay u weecisay garoonka Ramon ee u dhow magaalada koonfureed ee Eilat ka dib gantaalo laga soo tuuray magaalada Gaza.

Etihad Airways ayaa bishii April bilowday in ay asbuucii laba jeer ku tagto garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this