Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynayaashii hore iyo xildhibaano shir xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho + Video

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadad Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay madaxweyne Sheekh Shariif.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, waxaana looga wada-hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Madaxda shirka ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharixiinta ayaa waxay kulankooda diirada ku saareen wada-hadalada la filayo inay dhawaan ka furmaan magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka ag-dhow.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay sidii Ra’iisal wasaare Rooble loogu gacan siin lahaa dar-dar gelinta howlaha doorashooyinka ee loo xil-saaray, xili qaar kamid ah musharaxiinta mucaaridka ay walaac ka muujinayaan.

Qaar ka mid ah Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa hore walaac uga muujiyey dhex-dhexaadnimada ra’iisal wasaare Rooble, inkasta oo qoraalkaas aysan isku wada raacin dhammaan musharaxiinta

“Goluhu wuxuu aad uga walaacsan yahay in ra’iisul wasaare uu u muuqdo inuu hoggaansamay cadaadis dibedda ah, taasi oo ku hoggaamisay inuu ka leexdo mowqifkii dhex-dhexaadnimo,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu kala jabay oo kusoo baxay magaca Golaha Musharaxiinta.

“Goluhu wuxuu ra’iisul wasaare Rooble ku boorinayaa inuu muujiyo dhex-dhexaadnimo, islamarkaana joojiyo safarrada dibedda ah ee aan lagama maarmaanka aheyn, ahna waqti lumiska, deg degna u billaabay shaqo ku wajahan hanaan doorasho oo daah-furan ayna isku raaci karaan, wadana aqbali karaan shacabka Soomaaliya,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalkaas.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa kal hore kalsooni u muujiyey ra’iisal wasaare Rooble, ayada oo xubnaha ugu sareeya ee Golaha ay ku adkeysanayaan in weli fursad la siiyo Rooble, xili ay maalmo kooban ka harsan-yihiin furitaanka shirkii uu isugu yeeray maamulada dalka iyo gobolka Benaadir.


187038765_4015572005203689_8838724721693 Xasan-iyo-Shariif.jpeg 187972102_4015572215203668_4604101156100 187809848_4015572368536986_6723450951785 186893112_4015572438536979_3771803450639 186540471_4015572548536968_4660238461310

The post Madaxweynayaashii hore iyo xildhibaano shir xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho + Video appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this