Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo xakamaynaya socodka muhaajiriinta

Recommended Posts

Deeq A.   

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Boqortooyada ay go’aan ku gaartay la socodka dhaq-dhaqaaqa Ajaanibta Duullimaadka iyo safarka dhulka ah ku gala dalkaas.

Wasaaradda ayaa shaacisay liiska Dalalka ugu socodka badan muwaadiniintooda dhanka Boqortooyada Sacuudiga ee u baahan in lala socdo dhaq-dhaqaaqooda si aysan sabab ugu noqon gudbinta faafitaanka xannuunka nuuca cusub.

Hay’adaha ammaanka, kuwa caafimaadka iyo ilaalada soohdinta waxa ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Boqortooyada Sacuudiga ku adkeysay in ay ula socdaan qul-qulatooyinka soogalootiga nolol maalmeedka u raadsanaya Dalkaas.

Sacuudiga ayaa difaac adag ka galay xaaladda Covid-19, waxa ay boqortooyadu xakameysay goobaha isu imaatinka sida Magaalooyinka Barakeysan oo martigeliya Kumanaan Muslimiin ah oo u cibaado tagta.

PUNTLAND POST

The post Sacuudiga oo xakamaynaya socodka muhaajiriinta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this