Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Israa’iil oo saaka duqaymo culus ku qaaday marinka GAZA

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Israa’iil ayaa saaka oo Isniin ah mar kale duqaymo culus ku qaaday marinka GAZA ee dhulka Reer Falastiin.

Duqaymaha ayaa lagu beegsaday xaafado ay deggan yihiin dadka Rayidka ah ee Falastiiniyiinta iyo dhul beereed ku yaalla magaalada GAZA, halkaas oo khasaare kala duwan ka dhashay.

Duqaymaha ayaa burbur xooggan u gaystay dhismayaal iyo guryo ay leeyihiin shacabka Falastiiniyiinta waxaana gebi ahaanba go’day korontada xaafado kamid ah GAZA, inkastoo aan weli faahfaahin laga helin khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarka.

Ciidamada israa’iil ayaa todobaadyadii u dambeeyay duqaymo xiriir ah ku waday marinka GAZA iyo qayba kamid ah daanta Galbeed, iyadoo xoogaga XAMMAAS ay dhankooda madaafiic ku rideen magaalooyinka Israa’iil.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Israa’iil oo saaka duqaymo culus ku qaaday marinka GAZA appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this