Sign in to follow this  
Deeq A.

Tuulooyin ka tirsan magaalada Beledweyne oo xalay la gubay

Recommended Posts

Deeq A.   
2-27.jpg?resize=987%2C555&ssl=1

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in tuulooyin ka tirsan degmadaas ay xalay dab qabad-siiyeen malayshiyaad hubaysan.

Tuulooyinkaas ayaa sida la sheegayo waxa maalmihii u dambeeyay ka aloosnaa xiisad ku salaysan dagaal beeleed, waxaana isku hor-fadhiyay laba malayshiya-beeleed.

Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in shacabkii ku noolaa tuulooyinka xalay la gubay ay isaga barakaceen, kadib markii guryahooda dab la qabadsiiyay.

Maas’uuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan weli kama hadlin Guryaha la gubay ee ku yaal tuulooyin hoostaga magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

PUNTLAND POST

The post Tuulooyin ka tirsan magaalada Beledweyne oo xalay la gubay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this