Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuxurka Kulan dhexmaray Komishanka doorashooyinka S/land & Safiirka Midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

Nuxurka Kulan dhexmaray Komishanka doorashooyinka S/land & Safiirka Midowga Yurub

FB_IMG_1621174394543.jpg?resize=696%2C39

Komiishanka doorashooyinka Qaranka ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Midawga Yurub iyo xubno xafiiskiisa ka tirsan, kuwaas oo Komishanka ku-soo-booqday xaruntooda Hargeysa.

Xubnaha Komiishanka doorashooyinka Qaranka ayaa safiirka uga waramay horumarka laga gaadhay diyaargarawga qabashada doorashooyinka Isku-sidkan ee golayaasha wakiiladda iyo deegaanada JSL.

Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) ayaa safiirka u sheegay in Komiishanki ay soo saareen liiskii codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland, ee sida gaarka ahna loogu galayo doorashooyinka isku sidkan ee wakiilladda iyo deegaanka waxaa kale oo gudoomiyuhu caddeeyay inay soo gaadheen dalka waraaqihii codbixinta doorashooyinka Somaliland.

Kulanka ayaa ugu dambayntii ku soo idlaaday Isgarad buuxa iyo iskaashiga iyo wada-shaqaynta in la sii xoojiyo.

Safiirka ayaa Komiishanka doorashooyinka Qaranka iyo guud ahaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland-ba ku ammaanay dedaalka, midnimada iyo isfahamka ay dhexdooda muujiyeen iyo siday isugu tashadeen uguna guntadeen ka midho-dhalinta hannaanka tisqaadka ah ee doorashooyinka iyo Dimoqraadiyadda Somaliland.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this