Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay geerida Gen. Cali Ismaaciil Maxamed

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16211893231561002.jpg?resize=576%Marxuum, Gen. Cali Ismaaciil Maxamed

Madaxweymaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida Gen. Cali Ismaaciil Maxamed oo ku geeriyoodey Turkiga.

Bayaan tacsi ah oo uu soo saaray madaxweyne Deni ayuu ku yiri “Waxaan ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaanba shacabka Puntland, eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay uga tacsiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Gen. Cali Ismaaciil Maxamed oo ku geeriyoodey Turkiga”.

“Gen. Cali Ismaaciil Maxamed waxa uu ka mid ahaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uu dalkiisa iyo dadkiisa usoo shaqeeyey muddo dheer xilligii dowladdii Kacaanka, burburkii kadib waxa uu door muhiim ah ka qaatay dhismaha dowladnimada Puntland” ayuu ku sii yiri bayaanka.

Madaxweynaha Puntland ayaa Marxuumka Alle uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay geerida Gen. Cali Ismaaciil Maxamed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this