Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku-simaha madaxweynaha Puntland oo Qardho ka daah-furay diiwaan-gelinta Codbixiyaasha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Qardho.jpg?resize=778%2C434&ssl=1

Ku-simaha Madaxweynaha dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta ka daah-furay magaalada Qardho barnaamijka diwaangelinta codbixiyayaasha doorashada Dawladaha Hoose ee Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo si hordhac ah looga-qabandoono doorashooyinka Golaha Deegaanka.

Ku-simaha Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabadda Daahfurka ayaa tilmaamay in hirgelinta doorashada meelsare uga jirto qorshaha Dowladda, dedaalna la geliyey ka miradhalinta yoolkaasi.

Dowladdu waxay xoogga saartay sidii shacabka reer Puntland ay codkooda ugu dooran lahaayeen cidda hoggaanka u qabanaysa, loogana gudbi lahaa habka qabaliga ah ee aynu kusoo dhaqmayney sanadihii lasoo dhaafay, farxad weyn bay noo tahay in maanta aynu daah-furno barnaamijka”.

Dowladdu iyada oo ka jawaabaysa baahiyaha ku geedaaman hirgelinta nidaamka axsaabta badan, waxaan halkan ka sheegayaa inaan ugu deeqnay Ururkasta $10,000 (toban kun oo doolar) si ay ugu gutaan hawlahooda shaqo. Waxaan diyaar u nahay inaan Guddiga iyo Ururadaba kala shaqayno sidii barnaamijkan looga midho dhalin lahaa” ayuu yiri Axmed Karaash.

PUNTLAND POST

The post Ku-simaha madaxweynaha Puntland oo Qardho ka daah-furay diiwaan-gelinta Codbixiyaasha Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this