Sign in to follow this  
Deeq A.

Sucuudiga oo ka hadlay duqeymaha Israa’iil ee Qaza

Recommended Posts

Deeq A.   

Sucuudiga oo ka hadlay duqeymaha Israa’iil ee Qaza

faysal.jpg

Dowladda Sucuudiga ayaa cambaareysay waxa ay ku tilmaantay “xadgudbka ay Israa’iil ku heyso Falastiiniyiinta”

Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Feysal Bin Farxaan oo ka hadlayay shir ay lahaayeen Ururka Iskaashiga Islaamiga ayaa sheegay in dalkiisa uu ku baaqayo in Israa’iil ay si deg deg ah ku joojiso duqeymaha.

Wuxuu intaas ku daray in boqortooyada Sucuudiga ay taageereyso dadaal kasta oo lagu sii xoojinayo nabadda Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this