Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabhad ka howlgasha Itoobiya oo afduubatay dad u dhashay Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabhad ka howlgasha Itoobiya oo afduubatay dad u dhashay Shiinaha

Jabhad ka dagaalanta dalka Itoobiya ayaa sheegtay inay afduub u haystaan saddex muwaadin oo u dhashay dalka Shiinaha kuwaas oo macdan qodis ka waday Gobolka Oromiya ee galbeedka waddankaasi.

Ciidanka xoreynta Oromada ee OLA ayaa sheegay inay raggaasi ku qabteen meel u dhow magaalada Mendi.

Waxay sheegeen in aaney aqoonsaneyn qandaraasyada macdan qodista ee ay bixiso dowladda isla markaana howlahaas ay horseedeen barakac saameeyay shacabka.

Jabhadda OLA oo ka go’day urur siyaasadeedka mucaaradka ee Oromo Liberation Army ayaa lagu eedeeyay afduubyo iyo weeraro ka dhacay galbeedka iyo koonfurta Itoobiya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this