Sign in to follow this  
Deeq A.

Xagee laga keenay hubkii badnaa ee ciidanka Puntland ay maanta gacanta ku dhigeen?

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay saacadihii lasoo dhaafay gacanta ku dhigeen hub si qarsoodi ah lagu soo geliyey deegaano ka tirsan maamulkaasi, kadib howl-gallo ay ka sameeyeen gobolka Sanaag.

Hubkan oo doon lagu keenay ayaa laga soo dajiyey xeebta deegaanka Ceelaayo ee gobolkaasi, waxaana ugu dambeyn gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka ee Puntland.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in hubkaasi laga keenay dhinaca dalka ay dagaalladu la dageen ee Yemen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad oo ku aadan hubkaasi, dadka waday iyo sidoo kale cida loo waday.

Booliiska Puntland ayaa haatan la wareegay hubkaasi, iyada oo illaa hadda aan loo soo bandhigin warbaahinta iyo shacabka.

Puntland ayaa horey hub fara badan oo qaarkood loo siday kooxda Al-Shabaab ku qabatay gudaha maamulkaasi, kadib ay howl-gallo ballaaran oo ay sameeyeen ciidanka amniga.

The post Xagee laga keenay hubkii badnaa ee ciidanka Puntland ay maanta gacanta ku dhigeen? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this