Deeq A. Posted May 16, 2021 Ciidamo ka tirsan Booliska sida gaarka u tababaran ee Haramcad ayaa maanta gadoodsan ka sameeyay Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle. Ciidamada gadoodka sameeyay oo gaaraya Illaa 50 askari oo ka tirsan Ciidamada Haramcad ayaa xirtay waddo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka oo ku taalla Magaalada Jowhar. Wararku waxay sheegayaan in Ciidamada Haramcad ee gadoodka sameeyay ay doonayaan in dib loogu soo celiyo Magaalada Muqdisho oo markii hore laga qaaday. Ilaa iyo hadda jiro weli wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Booliska dowladda Federaalka ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ku aadan gadoodka ciidankaas. PUNTLAND POST The post Booliiska Haramcad oo gadood ka sameeyay magaalada Jowhar appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites