Sign in to follow this  
Deeq A.

Khaasaraha ka dhashay Duqeynta Israa’iil ee Marinka Gaza oo sii kordhaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Duqeynta Israa’iil ee Marinka Gaza ayaa gashay maalintii toddobaad oo xiriir ah, iyada oo duqeyn xagga cirka ah maanta lagu dilay ugu yaraan afar Falastiiniyiin ah, laguna dhaawacay tobanaan kale, halka sidoo kale dhulka lala simay ugu yaraan laba dhisme oo dad ay deganaayeen.

Rabshadaha cusub ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa salka ku haya cabashooyin muddo dheer soo taagnaa oo labada dhinac u dhaxeeya xaal waarana aan loo helin ayaa markale colaad horleh hurisay.

Dagaalyahanada Xamaas ayaa tiro gantaallo ah ku riday magaalooyinka Israa’iil, waxaana ku dhintay weerarkaas nin ku sugnaa deegaan dhaca bariga magaalada Tel Aviv.

Meelo badan oo ka mid ah dunida, waxaa ka socda banaanbaxyo looga soo horjeedo duqeymaha ka socda dhulka Falastiin,waxaana dadkan ka mid ahaa muslimiin badan oo ku nool dalka Britain.

Banaanbaxayaasha ayaa socod ku tagay fagaaraha kasoo horjeeda safaaradda ay Israel ku leedahay magaalada London.

PUNTLAND POST

The post Khaasaraha ka dhashay Duqeynta Israa’iil ee Marinka Gaza oo sii kordhaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this