Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay xiisada Falastiin iyo Israel

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan Baalle ayaa si adag kaga hadlay weerarada iyo duqeymaha Israel ay ku heyso dhulka Falastiin, isaga oo shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay xun tahay falkaasi.

Amb. Baalle ayaa xusay in dowladda federaalka ay shacabka Falastiin ku garab taagan tahay inay helaan xuquuqdooda oo dhammeystiran.

“Soomaaliya waxa ay Falastiin ku garab-taagan tahay in ay hesho xuquuqdeeda, waa in loo dhisaa Dowlad Madax bannaan oo Caasimadeedu tahay Qudus,” ayuu yiri Mr. Baalle.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladaha caalamka inay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ay haatan wajahayaan reer Falastiin.

“Xaaladda militari ee halista ah waa mid ka dhanka ah Falastiin, waxa aan bulshada caalmaka u soo jeedinayaa in si deg-deg ah wax looga qabto,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey u shaacisay mowqifkeeda ku aadan xiisada u dhexeysa Falastiin iyo Israel, iyada oo taageero u muujisay shacabka Falastiin.

The post DF Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay xiisada Falastiin iyo Israel appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this