Deeq A. Posted May 16, 2021 Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta dibad-bax ka dhan ah dowladda oo ay dhigeen boqolaal shacab oo careysan. Dibad-baxa oo ka dhacay taallada Daljirka Daahsoon ayaa waxaa ka qeyb-galay dhalinyaro iyo waalidiin ka cabanayey caruur ay dowladda u qaaday Ereteriya , si loo soo askareeyo. Dadka dhigayey dibad-baxa oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ku qeylinayey arayo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka, iyaga oo shaaciyey in caruurta ay la’yihiin nolol & geeri. Sidoo kale waxay ugu baaqeen madaxweynaha uu waqtigiisa dhammaaday inuu soo fara-geliyo arrintan, si dalkooda dib loogu soo celiyo caruurtaasi. Waalidiinta oo wejiyadooda ay muuqaatay murug aad u xoogan ayaa sheegay inay ka waalacsan yihiin xaaladda ay ku sugan yihiin caruurtooda oo muddo fog ka maqan. Si kastaba cabashada waalidiintan ayaa bilihii u dambeysay isa soo tareysay, kadib markii la sheegay in ciidamo Soomaali ah oo tababar loo geeyey Ereteriya ay ka qeyb-galeen dagaalladii ka dhacay gudaha dalka Itoobiya, gaar ahaaan gobolka Tigray ee waqooyiga wadankaasi. The post Shacab careysan oo dibad-bax ka dhigay Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites