Deeq A. Posted May 16, 2021 Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), ayaa maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar. Madaxweyne ku xigeenka waxa magaalada Qardho ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda oo ay ku jiraan wasiiro, xildhibaanno, saraakiil madaxtooyo, maamulka Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho. Axmed Karaash ayaa magaalada Qardho kaga qayb-galay munaasabadda daah-furka barnaamijka diiwaan-gelinta codbixiyaasha saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn, kuwaas oo dhowaan laga qaban doono doorashooyin tijaabo ah oo ku salaysan qof iyo cod. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo gaaray magaalada Qardho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites