Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay Dhalinyaradii SYL

Recommended Posts

Deeq A.   
9-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Munaasabadda Xuska halgameyaashii SYL awgeed xaflad maamuus ah la qaatay dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in caqabadaha dib dhigay dalka lagaga gudbi karo in dhallinyaradeennu ay raacaan dhabbihii Halyeeyadii SYL ee mideeyey cududda iyo caqliga shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa dul-istaagay hagardaamooyinkii gumaystuhu uu u gaystay Ummadda Soomaaliyeed isaga oo sheegay in halgankii, waddaniyaddii iyo wadajirkii aas-aaseyaashii iyo hawl-wadeennadii Ururkii Gobanimo Doonkii SYL ay kala tallaabeen caqabado iyo jallaafooyin waaweyn oo gumaystuhu ku wiiqayey halgankooda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen kala qaybinta shacabka Soomaaliyeed si ku salaysan qabiil iyo kooxaysi.

“Dadka Soomaaliyeed marnaba ma illaawayaan maamuuska Halgameyaashii SYL iyo in ay iftiinsadaan dhaxalkii waddaniyadeed ee ay uga tageen. Dhallinyaradii SYL waxa ay ku guulaysteen in dadka Soomaaliyeed ay ka dulqaadaan heeryada gumeystaha, hormuudna u noqdaan dhaqdhaqaaqyadii xoreynta dalalka Afrika.”

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dowlad dhiska dalka, adkaynta amniga, xoojinta midnimada iyo wacyi gelinta bulshada, isagoo ku boorriyey in ay dadaalladooda sii labo jibbaaraan si loo taabba-geliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo la jaanqaadi karta dowladaha kale ee caalamka.

  • 1-17.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 2-24.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 3-11.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 4-3.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 5-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 6-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 7-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 8-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 9-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Farmaajo oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay Dhalinyaradii SYL appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this