Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay Taalada SYL

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1621093483121.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi ayaa Ubax dhigay Taalada SYL, taasi oo lagu maamuusayo munaasabadda xuska 15 May oo ku asteysan maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

FB_IMG_1621093543158.jpg?resize=720%2C61

Madaxweyne Farmaajo ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyada oo ciidammada Baambayda ay ku maamuusayeen heesta calanka iyo astaanta qaranka.

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May oo ku beegan 78 guuradii aas-aaska golihii dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL, isaga oo muujiyey qiimaha weyn ee maalintan ay u leedahay Ummadda Soomaaliyeed.

FB_IMG_1621093493070.jpg?resize=720%2C54

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Taallada halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada iyo midnimada dalka.

FB_IMG_1621093466463.jpg?resize=720%2C53

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ku guubaabiyey in ay ilaashaadaan taariikhdoodii gobanimo doonka oo astaan u ah geesinimada, go’aan adaygga iyo kartida Ummadda Soomaaliyeed.

FB_IMG_1621093442729.jpg?resize=720%2C48

Munaasabadda ubax dhigga Taallada SYL waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Ku-xigeennadiisa, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida iyo dhallinyaro ka kala socotey 17-ka degmo ee gobolka Banaadir.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay Taalada SYL appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this