Sign in to follow this  
Deeq A.

Kismaayo: Taliyaha AFRICOM oo la kulmay madaxweynaha Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1621091319564.jpg?resize=720%2C57

Taliyaha howlgalka Mareykanka ee AFRICOM Jeneraal Stephen Townsend ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Kismaayo ee xarunta ku meelgaarka Jubaland.

Jeneraal Stephen Townsend ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, waxaana kulanka looga hadlay sidii Mareykanka iyo Jubaland isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Al-shabaab.

“Kulanka waxaa lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka argagixisada iyo sidii Mareykanku uu door muuqda uga qaadan lahaa in la wiiqo argagixisada” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay madaxtooyada Jubaland oo looga hadlay kulanka Jeneraal Stephen Townsend iyo madaxweynaha Jubaland.

Waa markii labaad oo bishan gudaheeda uu madaxweynaha Jubaland, Kismaayo kula kulmo saraakiil Mareykan ah, 4tii bishan May ayay ahayd markii uu la kulmay saraakiisha ciidamada Mareykanka ee ka howlgala degaannada Jubaland.

Al-shabaab ayaa gacanta ku haysa degaanno badan oo ka tirsan Jubaland oo ay ka mid tahay magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubada Dhexe, oo caasimad ugu magacaaban Jubaland.

FB_IMG_1621091313987.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1621091316837.jpg?resize=720%2C66 FB_IMG_1621091322320.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1621091325059.jpg?resize=720%2C70

PUNTLAND POST

The post Kismaayo: Taliyaha AFRICOM oo la kulmay madaxweynaha Jubaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this