Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo burburisay dhismo dheer oo ay degnaayeen Warbaahino caalami ah+Israel oo Qiratey & Muqaalka Warka

Recommended Posts

Deeq A.   

Israa’iil oo burburisay dhismo ay degnaayeen Warbaahino caalami ah

 

Dhismo ku yaalla marinka Qaza oo ay degenaayeen warbaahinta Aljazeera iyo AP ayaa burburay kadib markii Israa’iil ay duqeysay.

Ka hor weerarka waxaa laga guuray dhismaha kadib markii milkiilaha dhismaha ay digniin u dirtay Israa’iil, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dhismaha waxaa ku yaallay xafisyo iyo guryo dhowr ah.

Oh my god. The building where al Jazeera’s office is housed has just been taken down by Israeli airstrikes. There was a warning and evacuated. It houses offices and private homes. I can’t believe it. pic.twitter.com/Q4luRYk9H9

— Stefanie Dekker (@StefanieDekker) May 15, 2021

Militeriga Israa’iil oo xaqiijiyay inay gantaallo ku garaaceen dhismo ay degenaayeen warbaahin caalami ahi

Militeriga Israa’iil ayaa xaqiijiyay inay gantaallo ku garaaceen dhismo ku yaalla Gaza Tower oo ay degenaayeen warbaahinta Aljazeera iyo AP.

Bayaan kasoo baxay militeriga oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in dhismaha uu yaallay ‘agab militeri’ oo ay lahaayeen ururka Xamaas isla markaana ay gabaad ka dhiganayeen halkaas.

A short while ago, IAF fighter jets struck a multi-story building which contained military assets belonging to the intelligence offices of the Hamas terror organization. pic.twitter.com/cFMIXhaRGc

— Israeli Air Force (@IAFsite) May 15, 2021

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this