Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ergay u soo diray Israa’iil iyo Falastiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Hady Amr oo ah ergay Mareykanku u soo magacaabay arimaha Falastiin iyo Israa’iil ayaa gaaray Magaalada Tel Aviv,si uu u qaboojiyo  xiisadaha ka taagan Marinka Qasa ee u dhexeeya labada dhinac.

Ergayga iyo saraakiil ka tirsan UN-ka  ayaa ka qeybqaadan doona wadahadallo lagu dhexdhexaadinaayo Israel iyo Falastiin oo muddo lix cisho ah ku dagaalamaya Marinka Qasa.

Mas’uulkaasi ka socda Mareykanka waxa uu rajo ka muujiyay in labada dhinac la dhexdhigi doono  heshiis xabbad joojin ah.

Subaxnimadii hore ee maanta, miletariga Israa’iil waxay duqeymo cirka ah ka fuliyeen Qaza ,halka fagaalyahanada Falastiin ay iyaguna gantaallo ku rideen Israa’iil.

Illaa 140 qof oo Falastiin ah ayaa lagu diley Gaza ,sideed kalena waxay ka dhintay Israel tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay Isniintii la soo dhaafay.

PUNTLAND POST

The post Mareykanka oo ergay u soo diray Israa’iil iyo Falastiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this