Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiinaha oo markab dagaal iyo ciidamo usoo diray xeebaha Soomaaliya + ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Sabti ah markab nooca dagaalka ah iyo ciidamo u soo dirtay xeebaha dalka Soomaaliya, si ay u galbiyaan maraakiibta ganacsi ee isticmaala biyaha Soomaaliya iyo sidoo kale meelaha ka baxsan.

Markabkan oo ah mid aad u ballaaran ayaa waxaa dul-saaran diyaaradaha kuwa qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka, gantaallada wax burburiya iyo doomo nuuca dheereeya, wuxuuna noqonayaa markabkii miid 38-aad ee ay la socdaan ciidamada xoreynta badda (PLA).

Wararkii ugu dambeeyey ee ku geedaaman markabkan ayaa sheegaya inuu kasoo amba-baxay dekedda Zhoushan oo ku taalla gobolka Zhejiang ee dalkaasi Shiinaha.

Ujeedka ayaa waxa uu yahay sidii ciidamada badda ee Shiinaha iyo maraakiibtooda ay uga hortegi lahaayeen weeraro lagu qaado maraakiibta ganacsiga ee mara biya Soomaaliya.

Si kastaba Shiinaha ayaa sanadihii ugu dmabeeyey sare u qaaday howl-gallada uu ka wado biyaha dalka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah, waxaana ciidamadiisa ay dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadaan Gacanta Cadmeed iyo sidoo kale Biyaha fog ee dalkeena Soomaaliya.

The post Shiinaha oo markab dagaal iyo ciidamo usoo diray xeebaha Soomaaliya + ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this