Sign in to follow this  
Deeq A.

Faransiiska oo mamnuucay bannaanbaxyada lagu taageerayo dadka Reer Falastiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Faransiiska, ayaa mamnuucday bannaanbaxyada lagu taageerayo dadka Reer Falastiin ee duqaymaha iyo weerarada kala kulmaya ciidamada Israa’iil.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa sheegay in uu booliiska ka dalabaday in ay mamnuucaan dibad-baxyada lagu taageerayo Falastiin, kuwaas oo la filayo in ay toddobaadkan ka dhacaan meelo ka mid ah Faransiiska.

Dibad-baxayaashan ayaa ka soo horjeeda duqaymaha ka socda dhulka Falastiiniyiinta ee go’doonsan ee Qudus iyo Daanta Galbeed.

Darmanin ayaa warbaahinta u sheegay in uu madaxa booliiska ku amray in la joojiyo dibad-baxyadaas, hase yeeshe ururada u dhaqdhaqaaqa arrimaha Flastiin ayaa sheegay in aanay dhag jalaq u siin doonin hadalka wasiirka.

PUNTLAND POST

The post Faransiiska oo mamnuucay bannaanbaxyada lagu taageerayo dadka Reer Falastiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this