Sign in to follow this  
Deeq A.

Gantaallo laga ganay Suuriya oo Israel ku dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gantaallo laga ganay Suuriya oo Israel ku dhacay

gantaal.jpg
.

Ciidammada Difaaca Israel (IDF) ayaa hadda soo sheegaya in seddex gantaal laga soo tuuray dhanka Suuriya kuwaas oo ku aaddanaa Israel.

Qoraal ay soo dhigeen barta Twitter-ka ayay IDF ku sheegtay in mid ka mid ah gantaalada “uu ku dhacay Suuriya”, iyadoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in labada gantaal ee kale ay ku dheceen dhul banaan, iyadoo aan la diiwaan galin wax dhaawac ah.

Ma cadda cida ka dambeysay gantaalladan.

Dagaalka u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo ciidammada amniga Israel ayaa hadda ku fiday Daanta Galbeed, iyadoo la sheegay in 10 Falastiiniyiin ah ay dhinteen

Qaar ka mid ah is-weydaarsigii ugu cuslaa ee ay is weydaarsadaan mintidiinta Qaza iyo Israa’iil ayaa la soo sheegay.

Wadahadalo xoogan oo dhex dhexaadiyayaal caalami ah ay wadaan ayaa lagu soo warramayaa in ay socdaan.

Ugu yaraan 122 qof ayaa lagu diley Qaza halka sideedna lagu diley Israa’iil tan iyo markii uu dagaalku billowday Isniintii.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this