Sign in to follow this  
Deeq A.

 Carab Mudaharaadyo Rabshado wata ka istaadhey gudaha Israa’iil oo magaalo dhan xayiray?

Recommended Posts

Deeq A.   

 Carab Mudaharaadyo Rabshado wata ka istaadhey gudaha Israa’iil oo magaalo dhan xayiray?

Israeli Arab women voting in the village of Jaljuliya

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Carabta reer Israa’iil way codeyn karaan doorashada laakiin qaar badan oo ka mid ah waxay sheegaan in hannaanka dowladda uu cunsuriyeeyo iyaga

Muddo hal isbuuc ah ayuu qalalaase ka jiraa dhulalka Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta.

Dhowr maalmood oo ay socdeen isku dhacyo iyo xasilooni darro kaddib, Israa’iil waxay ku dhawaaqday in ay xaalad deg deg ah galisay magaalada ku taalla bartamaha ee Lod, taasoo u dhow caasimadda Tel Aviv, kaddib markii mudaharaadyo rabshada wata ay sameeyeen Carabta Israa’iil.

Arrintan ayaa saameyn weyn ku yeelaneysa xiisadda hadda taagan ee u dhaxeysa Israa’iil iyo Falastiin – maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee xukuumadda Israa’iil ay awoodda amarka degdegga ah u adeegsatay bulshada Carabta ah tan iyo sanadkii 1966-kii.

Haddaba maxay yihiin Carabta Israa’iil?

Taariikhda Carabta Israa’iil

Israeli protesters, Jewish and Arab, hold a demonstration in Jaffa on April 19, 2021
Carabta Israa’iil iyo taageerayaashooda Yuhuudda ah ayaa mudaharaad wadajir ah sameeyay bishii April 2021 waxayna kasoo horjeedeen iibsashada guryaha magaalada Jaffa ee ku dhow Tel Aviv

Waxaa laga yaabaa inaad marar badan maqashay dad Israa’iil ku tilmaamaya waddan ay leeyihiin Yuhuudda, laakiin sidoo kale waxay hoy u tahay dad aan Yuhuud ahayn.

Waxaa ka mid ah carabta laga tirada badan yahay ee Israa’iil, kuwaasoo asal ahaan kasoo jeeda Falastiin balse heysta dhalashada Israa’iil.

Israa’iil waxaa ku nool shacab wax yar ka badan 9 milyan, ku dhawaad shan meelood meel ka mid ah dadkaasina – oo lagu qiyaaso 1.9 milyan – waa carabta Israa’iil.

Waa dad Falastiiniyiin ah oo ku nagaaday xuduudaha waddanka loo bixiyay Israa’iil markii la aasaasay sanadkii 1948-kii, halka 750,000 oo ka mid ahna ay qaxeen ama guryahooda xoog looga saaray markii uu dagaalka qarxay yagleeliddii Israa’iil kaddib.

Kuwii qaxay waxay dageen meelaha u dhow xuduudda Israa’iil, Daanta Galbeed, Marinka Qasa iyo xeryaha qaxootiga ee gobolkaas.

Bulshadii kusoo hartay gudaha Israa’iil ayaa hadda isku magacaaba Carabta Israa’iil, Falastiiniyiinta Israa’iil ama xitaa Falastiiniyiin kaliya.

Carabta Israa’iil badankood waa muslimiin, laakiin si la mid ah shacabka kale ee Falastiiniyiinta, Masiixiyiinta ayaa ah bulshada labaad ee ugu badan dhexdooda.

Waxay lahaayeen xuquuq ay ku codeeyaan tan iyo markii ay doorashadii ugu horreysay ka dhacday Israa’iil 25-kii bishii January ee sanadkii 1949-kii – laakiin waxay sheegaan in ay dhibbaneyaal u yihiin cunsuriyad ku dheehan hannaanka dowladda oo soo socotay tobannaan sano.

Is-dhex-gal

Dr. Limor Rubin (2nd R) and nurses put on protective gear, as they prepare to enter an isolated ward to treat Covid-19 patients
Intii uu socday cudurka safmarka ah, Dhakhaatiirta Yuhuudda ah iyo kuwa Carabta Israa’iil waxay isu baheysteen in ay daweeyaan dadka isbitaallada loo dhigay Covid-19

Carabta iyo Yuhuudda inta badan ma wadaagaan shaqooyinka bulshada, inkastoo fayraska corona uu la yimid hal dhinac oo wanaag ah maadaama ay labada bulsho ka dhaxeysay wadashaqeyn dhow.

Hal meel oo ay is-dhex-gal buuxa ka sameeyeen waa hannaanka caafimaadka – halkaasoo bukaannada Yuhuudda ah iyo kuwa Carabta ah ay isla wadaagayeen isbitaallada, dawooyinka iyo xitaa dhakhaatiirta.

20% ka mid ah dhakhaatiirta, 25% ka mid ah kalkaaliyeyaasha iyo 50% ka mid ah Farmashiisteyaasha waa Carabta Israa’iil.

Laakiin dhinaca dhalashada way adag tahay in la kala saaro Carabta iyo Yuhuudda.

Laakiin aqoonsiga qarannimo ee kala qeexaya Carabta Israa’iil iyo Yuhuudda way adag tahay in la ogaado.

Tusaale ahaan, militariga wuxuu doorka ugu weyn ka ciyaaraa bulshada Israa’iil, muwaadiniinta Yuhuudda ahna waajib ayay ku tahay inay adeegga militariga ka qeyb qaataan.

Dhanka kale, Carabta Israa’iil waa laga reebay muwaadiniinta khasabka ay ku tahay shaqada ciidanka..

Cunsuriyad

Close up of Yakov, an Israeli settler was captured on video in the garden of a Palestinian family's home in Sheikh Jarrah, East Jerusalem

XIGASHADA SAWIRKA,MUNA.KURD15

Qoraalka sawirka,Muuqaal laga arkayo nin Israa’iili ah oo sheeganaya milkiyadda guri ay leeyihiin qoys reer Falastiin ah ayaa ku faafay baraha bulshada

Carabta Israa’iil waxay sheegaan in ay dhibbaneyaal u yihiin cunsuriyad ku lifaaqan hannaanka maamulka ee gudaha waddanka ay ku nool yihiin, aragtidaas oo ay ku raaceen qaar badan oo ka mid ah ururrada u dooda xuquuqda aadanaha.

Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in Israa’iil ay mar walba maamul cunsurinnimo ah kula dhaqanto Falastiiniyiinta ku nool Israa’iil.

Warbixin ay Hay’adda Human Rights Watch soo saartay bishii April 2021 ayay ku sheegtay in mas’uuliyiinta Israa’iil ay sameeyaan midab kala sooc iyo dambi ka dhan ah bani’aadannimada, oo ay kula dhaqmaan Falastiiniyiinta Israa;iil ku nool iyo iyo waliba kuwa ku nool dhulka ay Israa’iil heysato ee Daanta Galbeed iyo Qasa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa warbixintaas ku gacan seyrtay, waxayna ku tilmaantay “mid aan sal iyo raad toona lahayan”.

Carabta Israa’iil waxay mar walba ka cawdaan in dowladdu ay taariikh dheer u leedahay falalka la xiriira inay dhulkooda ka qaadato, waxayna maamulka Yuhuudda ku eedeeyeen inuu cunsuriyeyntooda u adeegsado awoodda dowladda, sidoo kalena laga qadiyo miisaaniyadda heer qaran.

Sharciyada qabta bulshooyinka Israa’iil ayaa sidoo kale kala duwan.

‘Muwaadiniinta dabaqadda labaad’

Tusaale ahaan, sharciyada Israa’iil ee loo adeegsado dadka dhalashada la siinayo waxay u eexdaan Yuhuudda, kuwaasoo si toos ah u qaadan kara baasaboorka iyagoo aan loo eegeynin meesha ay ka imaadeen.

Falastiiniyiinta lasoo eryay iyo carruurtoodaba waa loo diidaa xuquuqdaas.

Sanadkii 2018-kii, baarlamaanka Israa’iil ayaa meel mariyay sharci muran dhaliyay oo ku saabsanaa ‘xeerka qaranka’ kaasoo meesha ka saaray in luuqadda carabiga ay Israa’iil ka tahay luuqad rasmi ah oo la mid ah tan Hebrew-ga – wuxuuna sharcigaas dhigayaa in dadka Yuhuudda oo kaliya ay leeyihiin xuquuqda go’aan qaadashada shakhsiyeed.

Ayman Odeh, oo ah xildhibaan Carabta Israa’iil ah oo ka tirsan baarlamaanka, ayaa xilligaas sheegay in waddanka laga ansixiyay sharci ‘gacanta sarreysa siinaya Yuhuudda’, isagoo Carabta Israa’iil u sheegay in ay waligood ahaan doonaan ‘muwaadiniinta dabaqada labaad’.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ballan qaaday inuu xaqiijin doono xuquuqda shacabka, laakiin wuxuu sheegay “in aqlabiyaddu ay go’aanka leedahay”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this