Sign in to follow this  
Deeq A.

Degdeg:M/weyne Muuse Biixi oo Safar ugu baxay Dalka Jabuuti+Muqaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Safar Shaqo Ugu Ambo Baxay Dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay dalka aynu jaarka iyo walaalaha nahay ee Jabuuti, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu madaxweynuhu ka helay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo diyaarad khaasa u soo diray weftiga.
Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee safarkiisa ku wehelinaya, ayaa ka qaybgeli doona caleemo saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo maalinta berri ah taariikhduna tahay 15/05/2021 si rasmi ah loo dhaarin doono.
Xubnaha weftiga ah ee madaxweynaha safarkiisa ku wehelinaya, ayaa kala ah, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda, ahna ku simaha wasiirka, Mudane Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, wasiirrada wasaaradaha Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore.

186459597_3912667708847053_1043769160592

185782597_3912667715513719_8247255843104
186259723_3912667702180387_7539191922269
185810479_3912667995513691_6160249581278

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this