Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Gobolka Nugaal oo gacanta ku dhigay nin dil ka gaystay magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
degelle-1.jpg?resize=884%2C692&ssl=1Taliyaha Qaybta Booliiska Nugaal Degelle

Ciidamada Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa gacanta ku dhigay nin hubaysan, oo saaka nin kale ku dilay magaalada Garoowe, kadib muran shikhsiyeed oo dhexmaray.

War kooban oo ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi oo saaka gudaha magaalada Garoowe ku dilay Marxuum, Maxamed Muuse Faarax.

Booliiska Garoowe ayaa gacanta ku dhigay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi oo saaka dil u gaystay Marxuum Maxamed Muuse Faarax” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Booliiska Gobolka Nugaal.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ay dib ka soo gudbin doonaan macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan dhacdadan dilka ah.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Gobolka Nugaal oo gacanta ku dhigay nin dil ka gaystay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this