Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Barlamaan oo shaaciyey Arrin yaab leh oo aan hore looga baran Xildhibaanada

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Barlamaan oo shaaciyey Arrin yaab leh oo aan hore looga baran Xildhibaanada

 xildhibaan.jpg

Mudane ka tirsan Baarlamanka Kenya oo lagu magacaabo Moses Kuria ayaa qirtay in sannadkii hore uu qaatay lacag dhan $1,000 dollar oo laaluush ah si uu u taageero magacaabista hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamanka dalkaas.

Kuria ayaa hadalkan sheegay xilli asaga iyo labo xildhibaan oo kale loo haysto inay soo jeediyeen eedeymo ah in lacago badan oo laaluush ah lagu siiyay xildhibaannada Kenya taageeridda isbeddalka lagu samaynayo dastuurka Kenya.

“Waa iska caadi in xildhibaanadu ay qaataan laaluushka noocaan ah,” ayuu yidhi, asagoo intaas ku daray in uu soo celinayo lacagtii uu qaatay ee laaluushka aheyd oo uusan cadeynin cida bixisay.

Amos Kimunya oo ah Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in wax laaluush ah la siiyey baarlamanka.

Xildhibaannada Kenya ayaa ka mid ah kuwo ugu mushaharka badan baarlamaannada caalamka hase ahaatee dalkan ayaa ka mid ah dalalka caalamka ee safka hore kaga jira Musuqmaasuqa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this